Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug.

 

Related posts

Arday Muslimiin ah oo kunool dalka Ingiriiska oo lacag u ururinaya Shacabka Falastiin

Cabdi Cade

Goormaa dalka la keenaya Meydka Marxuum Cali Mahdi, halkeese lagu aasi doonaa?

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo & Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---