Shacabka dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya cod hadal heyn badan abuuray oo lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, waxaana codkaasi la duubay la sheegay in uu ahaa siyaasiga Junet Maxamed.
Ninkan oo ah xoghayaha guud ee isbaheysiga siyaasadda ee Azimio la Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay codka baraha bulshada lagu baahiyay ee la sheegay in kiisa yahay.
Codka baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga maqlayay ninkan oo agaasimaya kulan heer sare ah oo xubno katirsan isbaheysigooda la yeeshaan guddiga maamulaya doorashada dhawwaan ka dhaceysa dalka Kenya.
Junet Maxamed wuxuu codka la faafiyay mid been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana ay ka dambeeyeen shakhsiyaad isaga kasoo horjeedo, waxa uuna ninkan shacabka ugu baaqay in aysan dhageysan codkaasi la baahiyay dhagahana ka fureestaan.
Siyaasigan sida weyn ugu dhaw musharax Madaxweyne Ra’ila Odinga ayaa ugu baaqay laamaha dambi baraista in ay baaris ku sameeyaan codkan la baahiyay loona soo xiro dadkii ka dambeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com