Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Weerar jidgal ah oo lagu qaaday ciidanka Kenya iyo Al-shabaab oo..

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar jidgal ah oo Al-Shabaab ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, kuwaasoo marayay meel u dhow xadka Soomaaliya.

Gaadiidka ciidamada Kenya ayaa ilaalo ka hayay Shaqaalaha Shirkad qaabilsan dhismaha , waxaana xilliga la weeraraya ay marayeen inta u dhaxeysa degaanada Bodeey & Ijaara ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Weerarkaas waxaa lagu dilay mid ka mid ah Shaqaalaha shirkadda Dhismaha, mid kalena waa la dhaawacay, kuwaasoo aan weli ka shaacin dalka ay u dhasheen sida ay wararku nagu soo gaareen.

Mas’uuliyadda weerarkaas waxaa sheegatay Al-shabaab oo intaas ku dartay iney gubeen laba gaari oo lagu waday Shaqaalaha Shirkadda Dhismaha qaabilsan, sidoo kalena ay khasaaro gaarsiiyeen Ciidamada Booliska Kenya.

Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa joogto ka ahaa Weerarada Al-Sabaab ay ka fuliyaan kuwaasoo mararka qaarkood geysta khasaaroyin kala duwan.

Related posts

Nin mindi ku hubeysan oo dhimasho & dhaawac ka geystay London (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Haweeney xabsi ku muteysatay sawir ay ku gashay Buundada Lakshman Jhula

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Caafimaad darro ee lasoo daristay Madaxweyne Erdogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---