Fagaare kuyaalla deegaanka Buulay ee gobolka Baay ayaa lagu toogtay lix nin oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen jawaasiis u shaqeysa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Maxkamad Al Shabaab leedahay ayaa ragan oo gacanta ugu jiray ku riday xukun dil ah, waxa ayna maxkamada ragan ku eedeesay in ay ahaayeen basaasiin ayna qaarkood masuul ka ahaayeen duqeymo lagu dilay saraakiil katirsan Al Shabaab.
Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweynaha ku dhaqan deegaanka Fuulay ayaa isugu yimid fagaaraha lagu tooganayay ragan lagu eedeeyay in ay basaas u ahaayeen Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka .
Halkan ka Akhriso magacyada raga la dilay iyo dambiyada lagu eedeeyay
1:- Ceymooy Geedi Aadan oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Maamulka Koonfur Galbeed uuna kusoo hoggaamiyay rag katirsan Al-Shabaab oo la dilay.
2: Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu u gudbiyay Mareykanka warbixino kusaabsan saraakiil katirsan Al-Shabaab.
3-:Â Cali Maxamed Madoowe oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, Isla markaana uu kala Shaqeeyay weerar Maamulka Koonfur Galbeed ay kudileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab.
4: Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, Isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.
5:- Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab.
6: Towfiiq Jinow Aadan oo sidoo kale Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynay Sirdoonka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.
Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa dowlada federaalka iyo kuwa caalamiga ah ,iyo dad kale ay ku eedeeyeen in ay askar ahaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com