Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun adag oo xabsi ah ku riday 18- askari oo katirsanaa ciidan dowlada Federaalka aas aastay kadib qaraxii Soobe.
Askartan oo katirsan guutada 14-ka October ayaa saakay lasoo taagay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida , waxaana lagu eedeeyay inay qalqal ka dhex abuureen Guutada dhexdeeda, la safasho qabiil iyo dambiyo kale.
Sida aan wararka ku heleyno ciidankan oo ku xareesnaa xero kutaala magaalada Muqdisho ayaa khal khal ka dhax abuuray ciidanka, waxaana ciidankan la sheegay in ay buriyeen shuruudii markii hore lagu soo xushay.
Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay ciidankan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay kadibna xukun lagu riday.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn 18-kan askari ee katirsanaa guutada 14-ka October ku riday midkiiba shan sano oo xabsi ciidan ah.
Ciidamadan xukunka lagu riday ayaa lagu aas aasay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya uu jeediyay kadib qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgooska Soobe , waxaana ciidankan yihiin kuwa gaar ah oo leh darees iyo talis u gaar ah kuna xareesan xero kutaala Muqdisho.
Halkan ka Akhriso Magacyada Askarta Xukunka lagu riday
Xuseen Baashi Cawad Canshuur,
C/wali Ibraahim Maxamed Xasan,
Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur,
Ismaaciil Saciid Muuse Xiir,
C/wali Faarax Ismaaciil Maxamu’ud,
C/shakuur Maxamed Xirsi Cali,
Fatxi Aadan Cali Yuusuf,
Jaaamac Cabdullahi Maxamuud Cige,
C/kaafi Maxamed Diiriye Farweyne,
Maxamed Axmed Dhalac Cabdi,
C/nuur Cabdullaahi Maxamed Cabdi,
C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise,
Daahir Maxamuud Gurxan Cali,
Axmed Jaamac Siid Cali,
Cabdi Xasan Maxamuud Jaamac,
Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi,
Cali Maxamed Abyan Cilmi
Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com