Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay fariinta Itoobiya dirtay ee ka careysiisay dowlada Masar?

Dowladda Masar ayaa dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey kadib qorshaha ay Itoobiya ku dooneyso inay ku buuxiso biyo xireenka muranka badan dhaliyay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin arrintaas

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP Masar waxaa soo gaartay farriin uga timid Itoobiya 26-kii bishan taasoo sheegeysa in Itoobiya ay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Masar oo taas ka jaawabeyso waxay dacwad u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay ku diideyso buuxinta Itoobiya ee biyo xireenka iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar waxay sheegtay inay ku adkeysanayaan ‘xuquuqdooda sharciga ah si ay u qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ilaalinta amniga qaranka oo ay kamid tahay tallaabo kasta oo halis ah oo hal dhinaca oo ay waddo Itoobiya mustaqbalka

Waxaa soo xoogeysanayay Muddooyinkii lasoo dhaafay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee salka ku heysa dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka ay ku adkeysaneyso Addis Ababa.

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Ergo Xildhibaano kusoo doortay Baydhabo iyo Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia & wafdigiisa oo ka degay Istanbul (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga oo burburiyay Fariisimo Al Shabaab lahaayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---