Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Soomaaliya ku metelay shir Arrimo kala duwan looga hadlayay

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shireyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo badan isagoo carabka ku adkeeyay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirga waddamada wasqeeya hawada (carbon emissions 0.03) ay haddana tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyinka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimilada.

Wadda ugu habboon ee loo mari karo xalka ayuu Ergeygu ku sheegay isla shaqeyn iyo iskaashi Soomaaliyana iyada oo ay Soomaaliya diyaar u tahay kala shaqeynta wadamada Africa iyo caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka is beddelka cimilada.

Gebogebadii shirka ka dhacay magaalada Kampala ayaa waddamada kala duwan ee ka qeyb galay waxa ay isla qaatay inay Africa yeelato hal goorta la tego shirka loo madlanyahay ee Cop2.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo qabtay Maxaabiis uu ku jiro Xildhibaan iyo Gaari Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Geelle oo ku laabtay Jabuuti ka dib Warar laga baahiyey xaaladiisa Caafimaad

Caydiid Ali

Maamul Goboleed Shaaciyay in uu hakiyay Wada shaqeyntii dowlada Federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---