Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amniga sii xumaanaya ee Muqdisho baaqna u diray Shacabka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ammaanka sii xumaanaya ee magaalada Muqdisho ,oo muddooyinkii dambe kusoo kordheen dhibaatooyin ay geesanayaan burcad hubeesan , ciyaal weero iyo kooxaha dowladda ka horjeeda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay la socdaan waxa dhacaya, waxa uuna tilmaamay in aan marnaba loo dulqaadan karin dhibaatada ay shacabka magaalada Muqdisho ku hayaan kooxaha is biirsaday.

Madaxweynaha ayaana ku amray ciidamada ammaanka in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka dhinaca amniga ee jira, waxa uuna ka digay in laga daba yimaado dadka dambiilayaasha ee ciidamada dowladda soo qabtaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in aan xabsi lagu heyn doonin qof aan dambi laheyn lana sii deynayo, balse waxa uu ka digay in qofka marka lasoo qabto iyada oon baarisba lagu sameyn ehelkiisa xabsiga uga daba yimaadaan.

“Dadka Muqdisho ku nool waxa aan rabaa in aan dhaho, labo waxyaabood iskuma heli karno, tuug in aan soo daba-kacno oo badbaadsano & wax lamid ah oo ah Ciidamada ammaanka in aan ku eedeyno wax ma qabtaan, Booliisku wax ma qabtaan oo ay soo daba-kacaan Odayda Nabadoonka ah,  Xildhibaanka, Hooyada & Aabaha soo daba kacaan iyaga oo dhahaya wax weliba oo lagu nasahayo, Wiilka haddii uu yahay sida aad sheegeysid waala soo deynayaa, Jaamacad haddii uu dhigto kaar ayuu wataa, qofna dambiile ma aha inta looga caddeynayo, Walaalayaal aan la shaqeyno Ciidamada ammaanka” Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si wax looga qabto kooxaha hubeesan ee dhibaatada ku haya dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo sheegay xiliga xayiraada hubka laga qaadayo Somalia

Caydiid Ali

Magaalo kutaala Soomaaliya oo laga musaafurinayo Xaasaska iyo Caruurta Al Shabaab

Cabdi Cade

Cabsi iyo khalkhal xoogan oo soo wajahay Dayuuradaha rakaabka Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---