Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir George Magoha oo Raaligelin ka bixiyay hadalkii uu ku yiri Ruqiya Buulle !

Carro xoogan iyo hadal heyn dhinaca baraha bulshada iyo warbaahinta ayaa ka dhalatay hadal dhawwaan gabar Soomaali ah oo katirsan Telefishinka NTV ee dalka Kenya, uu ku yiri wasiirka waxbarashada dalka Kenya George Magoha.

Wasiirka ayaa xilli uu warbaahinta la hadlayay waxaa su’aal weediisay Wariye Ruqiya Buulle oo katirsan telefishinka NTV , hasa ahaatee wasiirka ayaa inta uusan ka jawaabin su’aasha wariyaha weediiyay in ay ka socoto ururka Al Shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka ayaana aabuuray carro badan oo katimid muslimiinta dalka Kenya, waxaana ugu dambeyn wasiirka waxbarashada Kenya ku qasbanaaday in uu raaligelin siiyo gabadha wariyaha iyo sidoo kale Muslimiinta Kenya.

George Mago ayaa sheegay inuu ka qoomameeyay erayada uu ku yiri Wariye Ruqiya Buulle, waxa uuna xusay in gabadha si shakhsi ah uga raaligeliyay in uu ku yiri hadal aan fiicneen kuna xiriiriyay urur argagaxiso.

Wasiirka waxbarashada dalka Kenya oo sidoo kale la kulmay koox muslimiin ah uu  hoggaaminayay Xasan Ole Naado, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Golaha Muslimiinta Kenya ayuu ka raali geliyay hadalkii kasoo yeeray.

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil, oo xubin ka ah Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa sheegay in wasiirka uu raaligelin ka bixiyay hadalkii uu yiri una soo dhiibtay madaxa, waxa uuna xusay in ay ka cafiyeen hadalkii kasoo yeeray wasiirka.

“Madaxdii, aqoonyahankii, odayaashii, raggii iyo dumarkii u tagay ninkaas markaan ra’yigoodii cabiray wax aan ku qanco ayay noqotay raalligelinta uu ninkaas bixiyay,ninkii markii uu madaxa soo dhigtay oo uu yiri, ‘gabadha waa gabadheyda, hadalkana sidaas ugama aanan jeedin’, ayna u marqaati fureen dad isaga gaar ula shaqeeyay wuxuu nagu yiri, ‘idinku maanta i xukuma, marka haddiiba uu qofkii raalligelintaas bixiyay, dadkiina madax iyo manjaba qabtay dabcan waa lagu qancay.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdullaahi .

Hadalka kasoo yeeray wasiirka waxbarashada dalka Kenya ayaa si weyn waxaa u dhibsaday ugana falceliyay muslimiinta kunool dalka Kenya, waxaana wasiirka danta ku qasabtay in hadalkaasi raaligelin ka bixiyo una hoydo gabadhii uu u gefay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkey ku egtahay xudduuda xorriyadda hadalka.? (Qoraal xaqiiqada taabanaya)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: ” Doorasho aan lagu wada qanacsanayn Xamar kama dhacayso”

Caydiid Ali

Gaaskii ugu badnaa abid oo laga helay Deegaan ay Soomaali leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---