Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane
Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Allah ha u Naxriistee Wasiirkii Cadaalada maamulka Koonfur Galbeed marxuum Sheekh Xasan Ibrahim (Lugbuur) oo maanta Salaadii Jimcaha ay qarax ku dileen Koxda Argagaxisa Al Shabaab, waxaana uu yiri,
“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur.
Alle ha unaxariisto Marxuumka, Ehelka iyo qaraabadana Samir iyo iimaan haka siiyo asaga iyo inta Ku geeriyootay qaraxii Ka dhacay magaalada Baydhabo sidoo kalena waxaan Eebe u waydiinayaa in uu u booga dhayo Umadda kale ee wax yeelada ka soo gaartey”
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in xooga la saaro sidii la isaga xorreyn lahaa Kooxdan caadeysatay dhiiga ummadda Soomaaliyeed.