Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha dagaalka Itoobiya oo ku biiray dagaal dhexmaraya Liyu Boolis & Al-Shabaab

Dayuuradaha dagaalka milateriga Itoobiya ayaa ku biiray dagaal culus oo ka socda deegaanka Aato ee gobalka Bakool, kaasoo u dhexmaraya Ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Liyu Boolis iyo Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka saaka uu bilowday markii Al Shabaab weerar hoobiyeyaal ku bilowday ku qaaday deegaanka Aato, iyagoo markaas kadib afar jiho ka wareeray degaanka, sida ay sheegeen dad good joogayaal ah.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa xoogeystay barqanimadii maanta iyadoo labada dhinac uu halkaas ku dhexmaraayo dagaal qaraar oo aan waxba la iskula hairn.

Dayuuradaha dagaalka Itoobiya ayaa la tilmaamay inay garaacayaan saldhigyo ay leeyihiin Al Shabaab, sida ay ku warrantay Warbaahinta gudaha

Al-Shabaab ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada Liyu boolis ku laaayeen degaanka Aato, ayna dileen in ka badan 100 askari, intaa ka badana dhaawaceen.

“Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka Xabashi-kalkaalka ah ee ku sugnaa deegaan Caato ee wilaayada Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen” Sidaas waxaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca dowlad degaanka Soomaalida weli kama hadlin dagaalka ka socda degaanka Aato, mana jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida uu dagaalkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA..

 

Related posts

Dowlada Somalia oo dalbatay Waaran lagu soo xirayo C/rashiid Janan Codsina u dirtay Kenya

Cabdi Cade

Gudoomiye Cabdiwali Colaad Gaatamow oo caawa lagu dilay degmada Afgooye

Caydiid Ali

RW ku-xigeenka dalka oo Madaxweyne Bazoum kala hadlay hal arrin oo Muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---