Al-shabaab ayaa war ka soo saartay dagaal saaka ka dhacay degaanka Aato oo ku yaalla xadka gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.
Dagaalka ayaa bilowday markii kooxda Al Shabaab ay weerar isku jiray Madaafiic iyo dagaal toos ah ku qaadeen goobo ay joogeen Ciidanka Liyuu Boolis.
Al-Shabaab ayaa sheegay inay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada Liyu boolis ku laaayeen degaanka Aato, ayna dileen in ka badan 100 askari, intaa ka badana dhaawaceen.
“Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka Xabashi-kalkaalka ah ee ku sugnaa deegaan Caato ee wilaayada Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen” Sidaas waxaa Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa intaas raaciyay inay dagaalka ku dileen in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu boolis.
“Khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 ka tirsan maleeshiyada Liyuuga ee Xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Abu Muscab.
Al-shabaab ayaa sheegtay in dayuurada dagaalka ee milatariga Itoobiya oo gurmad ahaan ugu yimid ciidamada Liyuu boolis ay dib isaga caabiyeen markii ay la dhaceen qoryaha hubka lidka diyaaradaha.
“Diyaaradaha oo ahaa nooca Miigga loo yaqaano ayaa kasoo kacay saldhigga ciidamada Itoobiya ee magaalada Godeey, halkaasoo ay dib ugu laabteen markii ay la kulmeen iska caabinta xooggan ee Al-Shabaab” ayaa yiri Abuu Muscab.
Ma jiraan illaa hadda warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka degaanka Aato ku dhexmaray ciidamada Liyu Boolis iyo Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka Liyu Boolis kama hadlin dagaalkan u dambeeyey.