Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baydhabo & Wasiir lagu qaarajiyey

Sida  ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay qarax ismiidaamin ah oo khasaare geystay ayaa ka dhacay magaaladaas.

Qarax oo uu fuliyey nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee masaajidka Bumbashar oo ku yaala xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan waxaa jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaas.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Cadaalada maamulka Koonfur Galbeed Shiikh Hassan Ibraahim (Lugbuur) ayaa la soo sheegayaa inuu ka mid noqday dadka ku naf waayey qaraxaas, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadka ka soo baxay masaajid ku yaalla magaaladaas ka dib salaadii Jimcaha, waxaana dadkaas isku qarxiyey qof dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa, waxaana dadka dhaawacmay ku jira wiil uu wasiirku dhalay sida ay wararku sheegayaan.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

(Akhriso) Gudoonka Baarlamanka Puntland oo ka hor yimid go’aankii Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan AMISOM oo caawa gaaray deegaano katirsan Galmudug

Cabdi Cade

DEG DEG: Natiijada rasmiga ah ee doorashada Turkiga oo goor dhow lagu dhawaaqay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---