Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsatada Muqdisho keenta Qaadka Miirow oo shaqo joojin sameynaya (Sababta)

Gudduga Ganacsatada Qaadka Miirowga keenta magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen iney joojinayaan Qaadkii ay keeni jireen oo ay sheegeen iney soo wajaheen caqabado adag.

Shir jaraa’id oo Guddiga ganacsatada ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen inaysan Qaad keeni doonin labada cisho ee soo socota iyagoo cabasho ka qaba culeysyo soo wajahay ganacsigooda.

Waxay sheegeen inay u mahad celinayaan Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey dib u fasixida keenista Qaadka

“Waxaa dhibaato nagu haya saddex arrimood oo kala ah Siyaasiyiin iyo Xildhibaano hore oo dalaaliin ah kuwaasoo lacag baad ah dulsaartay Qaadka,  qiimo koror lagu sameeyey canshuurta laga qaado Qaadka iyo sidoo kale qiimo kordhin ay ku dhaqaaqeen beeraleyda Qaadka Kenya” ayuu yiri masuul u hadlay ganacsatada Qaadka.

Ganacsatada ayaa dalbanaya iney la la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud si ay ugu soo bandhigaan dhibaatada iyo baadda lagu hayo.

Related posts

Ciidanka Booliiska oo baadigoobaya nin dilal laga naxay ka geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qoor Qoor oo ku laabtay Dhuusomareeb Shaacana ka qaaday Xiliga Shirka Furmayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Denmark oo meel marisay sharci yaab leh oo ka dhan ah soo galootiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---