Shirkadda baabuurta sameysa ee Mercedes-Benz ayaa dib u ururienysa qiyaastii hal milyan oo gaadiidkeeda ah caalamka oo dhan taas oo ay sabab u tahay dhibaatooyin waaweyn oo lag arkay hanaanka baabuurka joojiya ama bareegga .
Shirakadda ayaa sheegtay in ay la xiriiri doonto dadka iska leh baabuurtaa ee laga yaabo waxa ay shirkaddu ugu yeeertay dhammaansho ama hoolmid.
Gaadiidka la soo ururiyo ayaa la eegi doonaa waxaana laga bedeli doonaa qeybaha ka qaldan
Gaadiidka dib loo soo ururinayo ayaa gaaraya 993, 407 gaari oo ay ku jiraan 70,000 oo taalla dalka Jarmalka gudihiisa .
Sanadkii hore ayaa sidoo kale dib u soo xareysay tiro gaadiid oo tan oo kale ah arrimo la xiriira dhinaca ammaankaiyo hannankooda digniinaha degdeg ah.