Allbanaadir.com
NEWS

Xaaladii Deg dega aheyd ee lagu soo rogay dalka Turkriga oo la qaaday

Dowlada Turkiga ayaa labo sano kadib qaaday xaaladii deeg dega aheyd uu Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan kusoo rogay dalkaasi kadib afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay .

Turkiga labadii sano uu xaalada deg dega aheyd ku jiray waxaa la xiray dad aad u badan waxaa sidoo kale shaqada laga joojiyay dad kale oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin kooxdii afgambiga dhicisoobay ka dambeysay.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogan ayaa go’aansatay in aan mar kale la kordhin xaalada deg dega ah gabi ahaan dalka laga qaado, kadib markii dowlada wax badan ka qabatay dalka intii xaalada deg dega ah uu ka jiray.

Arintan ayaa imaaneysa kadib markii dhawaan doorashadii dalkaasi Turkiga ka dhacday uu mar kale ku guuleestay Madaxweynaha shacbiyada badan ee Rajeb Dayib Erdogan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somaliland oo War ka soo saartay sababaha loo xiray Xildhibaan Dhakool (Akhriso)

Caydiid Ali

Guddiga Farsamada iyo maamul dhisida Galmudug oo gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Is barbar dhig ku sameeyay Soomaaliya iyo Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---