Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM), Jen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Itoobiya sida ay isaga caabiyeen weerarka Al-Shabaab.
Waxaa uu intaa ku daray in Al-Shabaab ay awood u yeelatay inay illaa 150 km gudaha u galaan Itoobiya, arrintaasoo uu sheegay iney muujineyso awooda sii xoogeysaneysa ee kooxdan.
“Weerarkan maaha mid soo boodo ah, balse waa isku day ay kooxdan sare ugu qaadeyso weeraradeeda ka baxsan xuduudaha Soomaaliya” ayuu intaas ku daray taliyaha.
Jen. Stephen Townsend ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay sii xoogeystay 18-kii bilood ee ciidamada Mareykanka ay ka maqnaayeen Soomaaliya, ayna bilaabeen dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ismuujinayaan awoodooda.
“Kooxdan Waxay noqatay kuwo sidaa hore ka ballaaran, ka xooggan kana firfiroon, waa inaan qaadnaa talaabooyin lagu xoojinayo amaanka geeska Afrika” ayuu sidoo kale yiri taliyaha.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa amray intii xukunka hayey in Ciidamada Mareykanka Soomaaliya laga soo soo saaro kuwaasoo tiro ahaan gaarayey illaa 700 askari hase ahaatee Madaxweyne Biden ayaa markii uu xilka la wareegay laalay go’aankaas, isagoo amar ku bixiyey in ciidamadaas ay dib ugu laabtaan Somalia si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.