Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad goboleedka Jubbaland oo eedeeyn u jeediyey dowlada Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ayaa sheegay in  maamulkiisa laga qadiyey  lacag dhan 1 Milyan ah oo ay Xukuumadii Rooble ugu tala gashay gurmadka abaaraha dalka

waxaa uu xusay in Jubbaland aysan lacagtaas waxba ka helin, balse la siyaasadeeyay.

“Barnaamijka lacagta halka Milyan ah waa la siyaasadeeyay waana arrin cad Jubbaland wax ay maanta sheegan karto oo la taaban karo oo ay lacagtaas ka heshay ma jiro oo aan ka ahayn laba jeer oo laba mar lasoo diray min 10 kun” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka  Jubbaland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in deeqda Doaladda Soomaaliya ay hesho sida raashiinka iyo lacagba aysan soo gaarin Jubbaland, balse taasi badalkeeda lacagihii ama deeqda waxay noqdeen kuwa lagu raadsado xilil kala duwan.

Eedeyntan ayaa ku soo aadeysa xili xili deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbland ay ka jirto abaar daran oo saameysay dadka iyo duuniyada isla markaana u baahan in gurmad lala gaaro.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo beri safar dhulka ah kaga ambabxaya Magaalada Garoowe

Caydiid Ali

Israa’iil oo weerartay labo guri kuna dishay in ka badan 90 reer Falastiin ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Mustafe Cagjar: “Waa lala wareegayaa hantidooda Shaqsiyaadka taageeraya TPLF”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---