Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gabdho la afduubtay ku dhowaad 10 sano ka hor oo la helay iyagoo uur leh

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay inay heleen laba gabdhood oo kooxda Boko Haram ay ka afduubteen dugsi sare sideed sano ka hor.

Labada gabdhood ee haatan la soo helay ayaa waxay wataan carruur, waxayna u muuqataa inay uur qaadeen intii ay gacanta ugu jireen kooxdaasi.

Sanadkii 2014-kii ayey aheyd markii kooxdaasi islaamiga ah ku dhawaad 300 oo gabdhood ka qafaasheen magaalada Chibok ee Waqooyi Bari dalka Nigeria.

Tan iyo xiligaas, inta badan dhibanayaashaasi ayaa la soo daayay, qaarkoodna way soo baxsadeen balse weli tobaneeyo ayaa la la’ayahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

 

Related posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Aadan Yabaal iyo kulamo halkaasi ka socda

Cabdi Cade

Dowladda oo War kasoo saartay Deegaan Muhiim ah oo maanta laga saaray Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo degaano ka tirsan J/hoose kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---