Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo Muqdisho lagu dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya degmads Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin) oo ahaa sargaal katirsan ciidanka booliiska kana howlgalayay degmada Dayniile ayaa la sheegay in la dilay lagana qaatay biskoolad uu watay.

Dilka sargaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar sheegayaan in uu dilay askari kale oo ay wada socdeen kaddib muran uu soo kala dhax galay.

Ciidamada booliiska ayaana bilaabay baaritaano ku aadan dilkan loo geestay sargaalka, waxaana baxsaday oo baadigoob loogu jiraa askariga dilka geestay.

Dhawwaan ayey aheyd markii askari katirsan ciidanka booliiska sidaan oo kale u dilay taliyihii ciidanka booliiska ee waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile.

Related posts

Dowladda Soomaaliya ka qeyb gashay shir madaxeedka Ururka G-77 iyo China (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay Abuu Mansuur iyo Sheekh Cumar Cali (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan iyo maandooriye (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---