Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo amartay in la joojiyo dhismooyin ka socda dhulal kuyaalla Muqdisho (Akhriso)

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa Qoraal ay soo saartay digniin ugu diray dad la sheegay in ay sharci darro ah u dhisanayaan dhulalka ay leedahay wasaaradda oo ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile iyo Shangaani.

Qoraalka wasaaradda kasoo baxay uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaarada ayaa looga dalbaday taliyaha ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha saddex degmo in ay joojiyaan dhismayaasha ka socda dhulalka wasaaradda

Dhulka wasaaradda warfaafinta sheegtay in ay ka socdaan dhismayaal sharci darro ah ayaa kala ah : dhulalka Warlaliska ee Radiomuqdisho oo ku yaalla Dayniile, dhulka Telefishinka Qaranka ee ku yaalla  Yaaqshiid iyo dhulka Madbacadda Qaranka ee ku yaalla  Shangaani

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo go’aan ka soo saartay banaanbaxa ay Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Caydiid Ali

Cali Dheere oo isku dhiibay Qeybta 60-aad ee ciidamadda Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar culus oo mar kale lagu qaaday xarumo kuyaalla Galhareeri iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade