Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shiinaha oo ka digay Cawaaqib xun oo ka dhalan kara haddii Pelosi ay booqato Taiwan

Dowladda Shiinaha ayaa si weyn uga digtay booqasho la sheegay in bisha soo socota ee Agoosto ku tageyso Taiwan, afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi .

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa uga digay dowladda Mareykanka  booqasho la hadal hayo ee afhayeenka Aqalka Wakiiladda Mareykanka ku tageyso Tawian.

“Si xooggan ayaan uga soo horjeednaa booqashada Pelosi ee Taiwan, haddii Mareykanka ay ku adkeystaan oo Shiinaha kala loolamaan meel aan la taaban, Mareykanka ayaa qaadi doona dhammaan cawaaqibka ka dhasha,” ayuu yiri ” afhayeen  Zhao Lijian.

Warar soo baxay ayaa sheegaya afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka  Nancy Pelosi, booqasho ku tageyso Taiwan oo ah dal madax banaani sheegta, balse dowladda Shiinaha aaminsan tahay jaziirad dalkeeda katirsan.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaan wali xaqiijin booqashada la sheegay in ay ku tageyso Taiwan, waxa ayna arrintan sii xoojisay khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha.

Booqashada Nancy Pelosi ku tageyso Taiwan ayaa haddii ay dhab noqoto noqoneysa booqashadii  ugu horreysay ee afhayeen Aqalka Wakiilada oo weli xilka haya uu ku tago Taiwan tan iyo 1997-kii.

Xiriirka labada dal ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa muddooyinkan dambe sii xumaanayay, waxaana la filayaa in wadahadal dhinaca telfoonka yeeshaan Madaxda labada dal ayna kawada hadlaan arrimo badan ay isku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh: “Ciidan ka Amar qaata Farmaajo ayaa hoygeyga igu soo weeraray”

Caydiid Ali

Milatariga la wareegay talada dalka Niger oo codsi u diray kooxda Wagner

Cabdi Cade

Daryeel haloo raadiyo Labada Halyey ee Cabey iyo Maxamed Sheekh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---