Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad la soo taagay 17 nin oo loo heysto kufsiga gabar 11 jir ah (Daawo Sawirro)

Dalka Hindiya waxaa dacwad lagu soo oogay 17 nin oo la sheegay inay kufsadeen gabar yar oo 11 sano jir ah.

Booliska waxay sheegeen in horraantii sannadkan gabadha ay raggan ku kufsadeen magaalada Chennai oo ku taalla koonfurta bari ee dalkaas.

Boooliska ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah dambiilayaasha uu ka howlgalayay Wiish ku yaalla goobta ay gabadha daganayd islamarkaasna uu ragga kale ugu yeeray inay tacadiyaddo ku sameeyaan inanta.

Dadweynaha ku dhaqan Hindiya ayaa caro ka muujiyay tirada weerarada kufsiga ah ee lagu hayo haweenka dalkaasi, iyadoo wadankaas uu ka mid yahay dalalka caalamka ee kufsiga ugu badan uu ka dhaco.

Dowlada wadankaas ayaa soo rogtay dhowaan sharci cusub oo sheegaya in qofkii lagu helo kufsi la daldalo, si loo xakameeyo kufsiga sii kordhaya ee lagu hayo haweenka dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya iska hor imaad Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Xamse oo soo xiray tartankii Ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweynaha oo Kormeer kedis ah ku tagay deegaan dhawaan la wareegeen ciidanka Danab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---