Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo hal maalin fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku Wargalineysaa Dhammaan Hey’addaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’addaha aan dowliga ahayn in dhalashada sanadka cusub ee taariikhda Islaamka ee Hijriyada sanad walba loo aqoonsaday innay tahay maalin fasax qaran.

Sidaas awgeed Dhalashada sanadka cusub ee ku aadan maalinta Sabtida 30ka bisha Luulyo 2022 kuna beegan sanadka cusub ee taariikhda Islaamka Sabti 1da bisha koobaad 1444 Hijriyada ay tahay maalin Fasax Qaran.

Haddaba Maalintaas waa maalin ay fasax yihiin dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabada sanadka cusub ee Hijriyada awgeed.

Waxaa dhammaan  u rajeynayaa  shaqaalaha  ummadda  Soomaaliyeed  iyo kuwa kalaba inuu sanadkan  sanadkiisa nagu  gaarsiiyo  Nabad iyo Barwaaqo  Insha Allah.

Related posts

Cusman Abukar: “Haddii annagu aan is xalin waynay in nala xaliyo maxaa diidaya”

Caydiid Ali

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqisho

Caydiid Ali

Youtuber dhaliyay shil diyaaradeed si uu u helo daawadayaal oo lasoo qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---