Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo si kulul uga hadlay Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Magaalada Marko

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose, kaasoo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo dad kale.

Laftagareen ayaa ehelka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo uu sheegay inuu masuul dadkiisa iyo dadkiisa si wanaagsan ugu shaqeynayay.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhibaatada ay ku hayaan Shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda aysan aheyn mid la soo koobi karo isagoo xusay in falkan uusan ka niyad jebin doonin shaqada ay bulshada u hayaan.

”Waxaa nasiib darro a in maalin walba dadka kii ugu qiimaha badan iyo Shacabka kii ugu tabarta darnaa ay dilaan Al-Shabaab: ayuu yiri laftagareen oo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Al-shabaab.

 

Related posts

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo xilka laga qaaday kaddib Macalinkii Al Shabaab u…

Cabdi Cade

Waa kuma Yaxya Sinwar, Hogaamiyaha bedelay Ismacil Hania?

Caydiid Ali

RW Khayre oo la kulmay safiirada Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---