Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey qaraxyo lagu riiqmay oo ka dhacay Suuqa degmada Afgooye

Dad ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badana wey ku dhaawacmeen Qaraxyo maanta barqadii ka dhacay Suuqa Ariga lagu iibiyo ee degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Qaraxyada oo labo ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu aasay bartamaha Suuqa, iyadoo xiliga qaraxyadu dhacayeena uu suuqu ahaa mid mashquul badan uu ka jiray.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa iskugu jiray askar, Ganacsato, dalaalaey & dad u tagay inay halkaas kasoo iibsadaan Xoolaha gaar ahaan Ariga.

Maalinta Arbacada ayaa waxaa suuqa ka jira ganacsi xoog leh, maadaama inta badan dadka degmada Afgooye iyo degaanada kale ee ku dhow ay u iibsi tagaan Suuqa lagu iibiyo Ariga oo inta badan maalintaas la keeno xoolaha iibka loo rabo.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa intooda waxaa loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, halka qaar kale la geeyey isbitaalka degmada Afgooye.

Qaraxan ayaa yimid xili qarax kale oo ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo uu ku jiray Gudoomiyihii magaaladaas C/llaahi Cali Waafow.

Related posts

Magaalo ku taalla Somalia oo laga mamnuucay kaalimaha Shidaalka & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Maxay degmada Doolow ku soo arken Adam Abdelmoula & wafdi la socday (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaabiis ay soo deysay dowlada Somalia oo ku soo wajahan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---