Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw qarax ismiidaamin ah oo halkaasi ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii Marka Cabdullaahi Cali Waafow .
Sida aan wararka ku helnay qarax ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray goob uu ku sugnaa guddoomiyaha Marka, waxaana qaraxaasi ku dhintay Guddoomiye Waafow iyo xubno kale oo xilligaasi la joogay.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa ismiidaaminta uu ka dhashay khasaaro badan, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxaasi kasoo saareen maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha magaalada Marka ee qaraxa lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow ayaa horey u ahaa sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya,waxaana tan iyo markii xilka guddoomiyaha Marka loo magacaabay Waafow laga dareemayay isbadal xoogan.
Waxii warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco wararkayaga dambe insha allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com