Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Mustafe: “Labo ujeedo ayey argagaxisadu u soo weerartay degaanka”

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay ujeedada laga lahaa weerarka Al-Shabaab ku qaaday degaano ku teedsan xadka Somalia iyo Itoobiya.

Mustafe ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ay qayb ka yihiin jabhadaha Itoobiya ka dagaalama iyo cadowga gobalka ee ay is hayaan Itoobiya.

“Dagaalkan waa mid la xiriira biyaha wabiga iyo in Al-Shabaab ku doonaysay iney saldhigato Itoobiya oo ay ka dhaqdhaqaaqdo” ayuu yiri Mustafe.

Qorshaha kooxdan ayuu ku sifeeyay in dhinacyo kale ay ku lug leeyihiin, uuna ku Deganada Oromada iyo Soomaalida, gaar ahaan in buurraha dhanka Celkari iyo Baal saldhig laga dhigto.

Madaxwayne Mustafe ayaa xusay in si guud qorshahan loo fashiliyay, wuxuuna intaas raaciyay in macluumadkan iyo kuwa aan la shaacinba laga helay xubnihii al-shabaab ee lagu qabtay dagaalka.

Related posts

DF iyo AMISOM oo isla diyaariyey ajende la horgeynayo Golaha amaanka ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo aqoonsaday doorashada Madaxweyne Qoor-qoor (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirka amniga Somalia oo garab maray go’aan uu horey u ansixiyey golaha Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---