Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay isku hayaan Madaxweyne Saciid Deni iyo Golaha wakiilada Puntland?

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas ayaa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Waxaa kulanka looga hadlay sida loo dejin karo xiisada siyaasadeed ee maalmihii dambe ka dhex taagneyd Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Arrimaha Garsoorka.

Dhinaca kale, Madaxweyne deni ayaa lasoo warinayaa in uu bilaaabay kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada gaar ahaan xildhibaanada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ku matala baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne deni ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran, lamana oga halka ay arrini saldhigan doono, iyadoo Madaxweynaha lagu dhaliilayo inuu lacag malaayiin dollar ah u isticmaalay doorashadi Madaxweynaha Somalia oo uu ku guuldareystay xili degaano ka tirsan Puntland ay ka jiraan abaaro ba’an.

Related posts

Taliyaha ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo la magacaabay (Wareegto)

Cabdi Cade

RW Khayre & Culimada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay xalinta arrin maalmahan si weyn loo hadal hayey

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo dhambaal ka gudoomay Gen. Ibrahim Jaabir & wafdi uu horkacayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---