Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho caawa ka dhacday xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Agagaarka halka loo yaqaano Baar ha i dhaafin oo ku taalla wadada buundooyinka ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa caawa lagu toogtay askari ka tirsan Ciidamada dowladda Somalia.

Askarigan oo dhaawac halis ah uu soo gaaray ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday xili uu ku sugnaa bar control oo ciidamada amaanku ku leeyihiin goobta uu weerarku ka dhacay.

Dableyda soo qaaday weerarka ayaa markiiiba ka baxsaday goobta, waxaana halkaas gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo baaritaano kala duwan sameeyey.

Askariga la dhaawacay ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaadka, iyadoo warar la isla dhexmaraayo oo aan la xaqiijina ay sheegayaan inuu geeriyooday.

Dilalka loo geysto ciidamada dowlada iyo dadka kale oo la shaqeeya dowlada ayaa waxay ka mid yihiin nolol maalmeedka shacabka magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wiil uu dhalay Madaxweyne caan ah oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii..

Caydiid Ali

Sidee qaadka loo soo geliyaa Magaalada Muqdisho yaase ku lug leh? (Warbixin)

Caydiid Ali

Wasiir Amar Dambe iyo Saraakiil Ciidan oo maanta Su’aalo adag la weediinayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---