Mashruuca daahfurka tareenada Kenya ayaa sheegay inay galeen khaasaare gaaraya 100 milyan oo doolar sannadkii ugu horreeyay uu howlgala tareenka casriga, sida laga soo xigtay wasaaradda gaadidka ee Kenya.
Bangi ku yaalla Shiinaha ayaa bixiyay lacagta lagu maalgeliyay dhisitaanka tareenka magaalada Mombasa ilaa Nairobi, waxayna gaaraysay 3 bilyan oo doolar.
Lacagtaa ayaa Kenya laga sugaya inay dib ugubixiso muddo 15 sanno ah.
Wasiirka gaadidka Kenya James Macharia ayaa guddi baarlamaani ah u sheegay in dowladda hadda ay kulan la qaadanayso shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ku aadan sidii tareenka uu noqon lahaa mid si wanaagsan u shaqeeyo oo ay ganacsatada isticmaalaan tareenka.
Sannadka dambe ayay Kenya billaabaysa inay dib u bixiso lacagaha daynta, iyadoo ku rajo wayn in tareenka faa’ido laga heli doono.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com