Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay nuuca Xukuumada uu soo dhisayo iyo waxa ay Qabaneyso

Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wada wadatashiyo kala duwan oo ku aadan dhismaha xukuumad cusub oo dalka hagta afarta sanno ee soo socota.

Xamse Cabdi Barre oo xildhibaanada golaha shacabka toban maalin oo dheeraad ah ugu dareen waqtiga uu xukuumad kusoo dhisayo ayaa hada bilaabay in bulshada qeybaheeda kala duwan kala tashto nuuca xukuumada ay rabaan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumada cusub uu soo dhisayo ay ka duwanaan doonto kuwii hore, waxa uuna ballanqaaday in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatada dalka ka jirta waxna tarta dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay waxa uu doonayo in xukuumadihii hore ee dalka soo maray in ay kaga duwanaato xukuumadiisa cusub tahay in ay tahay wax ka qabashada waxyaabaha gaarka ah ay bulshada rabaan sida amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa sidoo kale ballanqaaday in xukuumadiisa cusub ay wax badan ka qaban doonto hagaajinta garsoorka , cadaaladda , dhismaha ciidamada iyo hagaajintooda iyo sidoo kale ladagaalanka musuq maasuqa .

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya nuuca xukuumada cusub uu soo dhisi doono Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxaana inta badan lasii ogyahay xubnaha kamid noqonaya golaha wasiirada cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo toogtay nin bastoolad ku hubeysan oo dil geysan rabay

Caydiid Ali

Somaliland oo afar arrin ka Mamnuucday Warbaahinta madaxa banaan (Akhriso)

Caydiid Ali

Dil dad badan ka argagaxeen si weyna loo cambaareeyay oo loo geestay C/Maalik Al-Sanabani

Cabdi Cade
Taboola Ads ---