Al-Shabaab ayaa todobaadkan weeraro culus ka geystay degaano ku yaalla xadka Somalia iyo Itoobiya, iyagoo ilaa 70 km gudaha u galay degaanka Soomaalida inkastoo ciidanka Liyuu Boolis ay sheegeen iney laayeen dhamaanba dagaalyahanadii ka talaabay xadka Somalia.
Sidoo kale nawaaxiga degaanka Feerfeer oo xad la leh gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia ayaa la soo sheegayaa iney ka gudbeen dagaalyahano kale oo ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo u talaabay dhinaca degaanka Soomaalida, halkaasoo ay kula dagaalamayaan ciidanka Liyu Boolis.
Dagaalka Al-shabaab ka bilowday degaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid weji cusub u yeelaya weerarada kooxdaas ka waday dalalka Soomaalida iyo Kenya.
Inkastoo aan la ogeyn ujeedada ay Al-shabaab ka leedahay weeraradan haddana dadka falanqeeya arrimaha kooxdan waxay sheegayaan in Al-shabaab ay isku deyeyso iney galaangal iyo dhaqdhaqaaqyo ku yeelato gudaha degaanka Soomaalida si la mid ah gobolka woqooyi bari Kenya ee Soomaalidu degto oo Al-shabaab ay weeraro joogto ka fuliso.
Haddaba suuragal ma yahay damaca Al-Shabaab ee ah iney saameyn ku yeelato degaanka Soomaalida.
Dadka falanqeeya arrimaha amniga geeska afrika waxay qabaan in Al-shabaab aysan suuragal u aheyn iney saameyn ku yeelato dowlad degaanka Soomaalida iyo guud ahaan Itoobiya sababaha soo socda awgood:-
1-Al-Shabaab degaanka Soomaalida iyo deegaanada xuduudaha dhaca kama helayaan rabitaan iyo soo dhoweyn shacab, sababta ugu wayn ee dadka deegaanku Al-Shabaab ula dirirayaan waa in 98% ay yihiin dad aaminsan dariiqada Qaadiriya oo ka mid ah dariiqooyinka Suufiyada Sida horay loogu arkay gudaha Somalia degaanada ay ku badan yihiin dadka aaminsan dariiqooyinka Suufiyada lagama soo dhoweeyo Al-Shabaab, Al-Itaxaad, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa islaamiyiinta ee hubaysan, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Baxdo iyo meelo kale oo la wada ogyahay wixii ka raacay Al-Shabaab.
2-Feejignaanta Itoobiya ee dhaqdhqaaqyada Islaamiyiinta hubeysani ka wadaan geeska Afrika waa mid aad u sareysa, waxayna fiiro gaar ah u leedahay ka hortagooda iyo la dagaalanka kooxahaas, waxaa arintaas caddayn u ah, sida deg deg ah ee heeganka loo galiyay ciidamada degaanka iyo kuwa federaalka iyo waliba tagitaanka Madaxwayne Mustafe ee jiidda hore ee dagaalka ilaa uu dagaalku soo afjarmo.
3-Shacabka, Maamulka dawlad degaanka iyo mucaaradka waa kuwo hal mowqif leh markasta oo ay timaado xaalad amni daro, arintan waxay ku cadaatay dagaalkii Canfarta, waxaana sidoo kale tusaale u ah dagaalada maanta ka cusub qaybo ka mid ah gobolka Afdheer oo shacab iyo dawlad la isgarabsanayo.
4-Isku xirnaanta hay’addaha amniga Federaalka iyo kuwa degaanku waa mid aad u sareysa, waxayna arintaan xoojinaysaa in dagaalka Al-Shabaab lagula jiro laga helo xogo laba dhinac ka imaanaya iyo iskaashi Milirari oo cudud ahaan mideysan, sidoo kale Itoobiya waxay leedahay sirdoon adag.
5-Arrinta ugu wayn ee diidaysa in Al-Shabaab ay deegaanka Soomaalida dhex dagaalamaan waa ciidanka gaarka ah ee Liyu boolis iyo Maleeshiyada kale ee deegaanka Soomaalida kuwaasoo u carbisan qaab duurgal ah, aasaaskii Liyu boolis tababarkoodu wuxuu ahaa ciidamo duulaan ugu baxa kaymaha kuna maqnaan kara bilo iyo sanado iyagoo saanadooda ciidan dhabarka ku qaata, arrintaasna waa mid lidi ku ah dagaalka Al-shabaab oo inta badan ah ku dhufo oo ka dhaqaaq, iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin in Al-shabaab ay markan garaacday albaab qaldan.