Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Sisi oo kashifay arrin xasaasi ah oo ay ka wada hadleen Xassan Shiikh

Madaxweynaha Masar Abdelfatah Sisi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wada hadleen qodobo badan oo ay ka mid aheyd arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya oo Masar ay si weyn uga soo horjeedo.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo dhigiisa Xasan Shiikh ay soo bandhigeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

“Waxaan isku mowqif ka nahay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaas, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah ee la xiriira arrinkaa, sidaa darteed waxaa lama huraan ah in si dhaqso ah loo gaaro heshiis ku salaysan sharci, fulintiisuna ay tahay qasab marka ay timaaddo buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenka, taasoo ah sida waafaqsan bayaan madaxeedkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2021, taasoo looga jeedo ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka”ayuu yiri Madaxweyne Abdelfatah Sisi

Labada dowladood ee Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa u dhaxeeya muran ku saabsan biyo xireenka ay Wabiga Nile ka dhisatay Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu hoos u dhigayo heerka biyaha webigaas oo ah isha kaliya ee Bulsho ahaan ay ku tiirsan yihiin shacabka Masar.

Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa la safatay dowladda Itoobiya marka ay timaado muranka labada dal ee biyo Xireenka, hase ahaatee Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u muuqda inuu wax ka bedelay Mowqifka dowlada Somalia ee arrintan la xiriira, iyadoo Itoobiya ay dhowaan ka cudurdaaratay booqasho uu ku tagi lahaa Madaxweyne xassan Shiikh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi-Kariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax (Shalay iyo Maanta)

admin

Al Shabaab oo qarxiyay Ceelal Biyood iyo xarumo isgaarsiineed oo kuyaalla Galmudug

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay saraakiishii NISA ee shalay laga soo celiyey Kismaayo

Caydiid Ali