Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo sheegay ineysan waxba ka qaban karin arrin ay ka qeyliyeen shacabka Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray xaaladda suuqa weyn ee Magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu maanta ku tagey suuqa Waxaa ku wehelinayey Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse,  madaxweynaha ayaa si dhab ah ugu kuur’galay xaaladda dhabta ah ee suuqa iyo dadka ku ganacsada oo uu ka waraystay sida ay u saamaysay abaarta jirta iyo sicirbararka xiligaan adduunka ka dhacay.

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqday suuqa iibka xoolaha oo xiligaas ku jiray shaqadii maalinlaha ahayd ee iibinta xoolaha madaxweynaha ayaa ka waraystay dadka iibka xoolaha iyo caqabadaha haysta ganacsatada iyo dadka wax iibsanaya oo xiligaas goobta ku sugnaa.

“Waxaan maanta kormeer ku tagnay  suuqa weyn ee magaalada Garoowe, anagoo warbixino ka dhegaysanay ganacsatada halkaasi ku ganacsada, waxaan ognahay isbedelka mugga weyn ee saameeyey maciishadda kaasi oo aynu la qabno Gobolka iyo guud ahaan Adduunka oo dhaqaale xumo soo wajahday, waxaanna rajaynaynaa inaan xal wadajira ah ka gaarno inagoo isku duuban” ayuu yiri Deni.

Waxaa uu sheegay ineysan waxba ka qaban karin sicir bararka saameeyey shacabka Puntand.

“Dowladda Puntland runtii waxaa xanuun nagu haya anaga oo u jeedna dadkeena inay maciishadii ku korortey, haddana aan waxba laga qaban karin, maxaa yeelay dakhliga Puntland waa mid kooban ayuu yiri Madaxweyne Deni” ayuu yiri Deni

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili shacabka Puntland  ay si weyn u saameysay sicir bararka xooggan ee ku yimid raashiilna iyo waxyaabaha kale ee daruuriga u ah nolosha.

Madaxweynaha Masar Abdelfatah Sisi ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka wada hadleen arrinta biyo xireenka Wabiga Nile ee Itoobiya, waxaana ay soo bandhigeen khatarta ay leedahay siyaasadda halka dhinac marka la fulinayo mashaariicda wabiyada isaga gudba xuduudaha.

Itoobiya iyo Masar ayaa u dhaxeeya muran ku saabsan biyo xireenka Wabiga Nile ee ay dhisatay Itoobiya, waxaana horay dowladdii Madaxweyne Farmaajo ula safatay dowladda Itoobiya.

DAAWO SAWIRRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Awaamiir xiliga caleemo saarka lagu xoojinayo amniga Garowe oo la soo saaray

Caydiid Ali

Mareykanka oo taageeray Dowlad Falastiin leedahay oo laga dhiso Gaza iyo Daanta Galbeed

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Hambalyo u diray Wiil Xaflada dhalashadiisa lasoo xaadiri waayay

Cabdi Cade