Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo khilaafka Doorashada kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee maamulka Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland ayaa midowga Yurub warbixin ka siiyay xaalada guud ee Somaliland gaar ahaan diyaar garowga loogu jiro doorashada muranka hareeyay ee lagu waday in bisha soo socoto ka dhacdo Somaliland.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu fashilmay waan waan laga dhax waday Xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye, waxaana xisbiyada mucaaradka ku baaqeen banaan baxyo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay sababta ay Sudan Al-Bashiir ugu gacan gelineyso Maxkamadda ICC?

Caydiid Ali

Dowlada Iran oo ka hadashay caqabadaha hortaagan iney la heshiiso Sacuudiga

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo iska diiday in fursad dhan siiso dowlada Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---