Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay in uu Xal u raadinayo Caqabado ka dhashay Doorashadii dhacday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu ku xusay Ra’iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo-siinta dhismaha Golaha Wasiirrada, ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Related posts

Haweeney ka been sheegtay Caafimaadkeeda oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Somalia oo ka mid noqotay afar dal oo iskugu haray doorashada hogaanka IPU

Caydiid Ali

Daawo: Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta jeediyey hadal aad loola yaabay

admin
Taboola Ads ---