Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliiska Soomaaliya oo caawa Muqdisho ku qabtay Ciyaal Weero Tooreeyo watay (Sawirro)

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa caawa howlgal ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyey markii Booliska qeybta guud ee gobolka la soo gaarsiiyey cabashooyin ka yimid dadka degaanka oo la xiriiray ami daro ka jirta xaafadahooda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu soo qabtay kooxo ka tirsan dhalinyarada  Ciyaal weerarada oo dhibaato iskugu jiray dhac iyo falal kale oo amni daro ka waday qaar ka mid ah xaafada degmada Kaaraan.

Booliska ayaa sidoo kale qabtay Tooreyo, bastoolado iyo qoryo caag ah oo ay si xeeladeysan ugu adeegsanayeen ciyaal weerarada inay dadka ku dhacaan.

Ciyaal weerarada kooxaha loo yaqaano ayaa mudooyinkanba dhibaatooyin ami daro oo iskugu jira dil, dhac, kufsi iyo falal kale ka geysanayey xaafado ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Related posts

Guri kuyaalla degmada Jilib oo gantaalo lagu dhuftay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Qeybta 60aad ee xoogga dalka

Caydiid Ali