Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa Beri oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray farriin loogu sheegayo inuu berri uu jiro kulan ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Somalia.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha ku dalbanayo in 10 cisho oo dheeraad loogu daro mudada uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada.
Waxaa beri ku eg 30ka cisho ee uu RW Xamse heystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso, sida uu ahaa dhaqanka siyaasadeed iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa warar soo baxay waxay sheegayeen inay isku raaceen in muddo 10 cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha Wasiirada cusub.