Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Sare ee Islaamka DDS oo soo saaray bayaan ka dhan ah Al-Shabaab

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Dowlad degaanka Soomaalida iyo Maxkamadda Guud ee Shareecada Degaanka ayaa si wadajir ah u soo saaray War-murtiyeed lagu cambaaraynayo weerarkii Al-shabaab ku soo qaaday gobolka Afdheer.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab aysan u suurageli doonin damacooda ku aadan iney weeraro ka geystaan degaanka Soomaalida.

Golaha ayaa sheegay iney u mahad celinayaan ciidamada Liyu Boolis ee degaanka Soomaalida oo ay sheegeen iney gaashaanka u daruureem soona afjareen weerarkii Al-Shabaab.

Dhanka kalea qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka Deegaanka ayaa cambaareeyay iskudayga Al-Shabaab,

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey tuulooyinka dhaca xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya horaantii todobaadkan, iyadoo ay isaga hor yimaadeen dagaal fool ka fool ah ciidamada Liyuu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Inkastoo ay halkaasi wararka kasoo baxaya is badbadalayaan, ayaa haatan ciidamada Liyuu booliisku waxey sheegeen in ay dib isaga waabiyeen dagaal yahanada Al Shabaab.

Sidoo kale, cambaareynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maxkamadda Shareecada, iyo odayaasha dhaqanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Related posts

Cabdimaalik Yuusuf & Xubno kale oo Muqdisho lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Jawaari oo markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaadiisa iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Kheyre oo sheegay in ay muuqato fursad wanaagsan oo lagu dhisayo Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---