Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Zelensky oo si kulul u cambaareeyay weerar lagu qaaday dekadda Odesa

Ciidamada dalka Ruushka ayaa lagu eedeeyay in gantaalo culus ku garaaceen dekadda magaalada Odesa ee dalka Ukraine, waxaana weerarkaasi dhaliyay shaki la xariira in Ruushka fulin waayo heshiiskii Turkiga lagu kala saxiixday.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku tilmaamay duqeynta dekadda Odesa mid waxshinnimo ah, isagoo intaa raaciyay in Ruushka aan lagu aamini karin fulinta heshiiska la gaaray.

Dowladda Ruushka ayaana weerarka ka dhacay magaalada Odesa ku tilmaantay mid lagu bartilmaameedsanayay xero milatri , waxaana weerarkaasi loo adeegsaday gantaalo culus oon gafeyn bartilmaameedka lala beegsado.

Maria Zakharova oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaal nooca cruise-ka ah uu burburiyay xarun milateri oo ku taallay dekadda Odesa, waxa ayna xustay in gantaalka lagu burburiyay doon milatriga Ukraine lahaayeen.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka burburiyeen markab taagnaa dekadda Odesa, waxaana weerarkan imaanayaa xilli dowladaha Ruushka iyo Ukraine kala saxiixdeen heshiis lagu dhoofinayo qamadiga Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho ”Haloo sheego Xildhibaan Fiqi in Shacabka aysan raali ka aheyn Qaswade ”

Cabdi Cade

Taalibaan oo la wareegtay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Kabul (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo soo jeedisay qaraar ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---