Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Tix galisay Cabashadii shacabka magaalada Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa mudo kadib tixgalisay cabashooyinka shacabka magaalada Muqdisho ka keeneen xirnaashiyaha wadooyinka, waxaana dib loo furay Isgoosyadii ay xireen ciidanka iyagoona baaraya dadka iyo gaadiidka wadooyinkaasi maraya.

Waxaa kamid ahaa dadka  dhibka ku qabay Xirnaanshaha  Wadooyinka  Muqdisho,waayo waxaa ka soo Gudbaa Saddex Jidgooyo oo kala ah Warshadaha, Wadnaha  iyo Makka Almukarama hase yeeshee Shaley iyo Maanta waxay ahaayeen Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo  Waxaa moodaa in uu Dhamaadey Ereygii Kala wareeg  oo maalmahaan Magaalada aad ugu soo batey.

.Saakey waxaa Dhagaheyga  ku maqaley Haweeney la Hadley Haween kale waxay tiri “Muddo Labailood isma anaan arag Calashaan wadooyinka Xiran marka walaal Wadooyinkii waa la furey ee Jimcaha soo socota Aniga ayaa ii Marti qaadan tahay” Tii kal waxay leedahay.

“ Aleyle Waa farxad iyo Reyntey mar hadii ay Dowladii Jidgooyadii ay qaadey marka waxaan ku leeyahay “ Ibna aadan is waayey Jid gooyaa kala geysey walaal waa inoo Jimaca hadii uu  Eebe Idmo “ Ma yara dadka Dhibaatada ka soo gaartey Xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho..

Sidoo kale Saakey Quraacdii waxaa la ii keeney Khudaar aan mudooyinka aan Cunin  markii aan weydiiyey Saaxiibtey waxay tiri “Wadooyinkii baa la furey marka waxaana Magaalada soo galey Gawaari fara badan oo sida Khudaar waxaa ka sii daran Khudaarta aad bey u jabtey Nus Doolar baad ku xaabsaneysaa intaas oo  Khudaar kala duwan.

Furnaanshaha Wadooyinka waxay sahashey in Bukaanada ay gaaraan  Goobaha Caafimaadka sidoo kale Dhaqaatiir Xarumahood oo mudo Dhowr  Bilood ah aysan soo fariisan Wax bukaan ayaa  shaley iyo Maanta waxaa Buux dhaafiyey dad Bukaan ka dib markii ay waayeen meel ay u maraan  Isbitaalada.

Xirnaanshaha wadooyinka waxay kaloo  ay saameeyn ku yeeshee Goobaha Waxbarashada , mar aan la Xiriirey Mid ka mid  Macalimiinta Jaamacadaha  Magaalada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arkoo Furnaanshaha Wadooyinka  waxaana uu yiri “ Maalinkii waxaa Dhigi jirey ilaa  Afar Xiisadood oo Casharo ah , waxaana ku soo uruurey intii ay Wadooyinka Xirnaayeen in aan Maalinkii aan dhigo Hal Xiso sidaa Darteed waxaan Dowlada uga mahadcelinayaa in ay Fududeysey  Isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka.

Xirnaanshaha Wadooyinka waxay iyana aad u saameysey Suuqa Weyn ee Bakaaraha ,waxaana Suuqaas maalin kasta u Dukaameysi Tagi jirey ilaa Kumanaan Qof oo ka kala Imaan jirey Daafaha  Magaalada, hooyo Bacadle ku leh Bakaaraha ayaa iyana Tiri” Bilooyinkii ugu dambeeyey waa nala Ceejiyey, sidaa darteed Shaley maanta Suuqa Waa Shab  Shab”.

Saameynta kale ee Xirnaanshaha  Wadooyinka waxayna iyana ku imaaneysey Dadka qabsanaya Aroosada , waxaa la arkeyey intay Xirnaanayeen Wadooyinka Gawaari galbineysa Aroos oo loo diidey in ay Gudbaan waxaana Qofka aroosaya ka bixi jirtey Laba Kharasha oo a, kharashka  Kala Wareega Gawaarida waxaa la arkayey Gabar Aroosad ah ooTaaj-ka u Xiran yahay oo Goyneysa Wadada si ay u raacdo Gawaarida kale ee Dhinaca kale  ku Diyaarsan  ee Kala Wareega sidaa Darteed Shaley iyo Maanta  Gawaarida Aroosyada sida si Faraxd leh ayey ugu Baashaalayaan Wadooyinka.Waxaana Shaley iyo Maanta ay Wadooyinka ay ahaayeen kuwa BALI BALI AH AMA KU DUR DURI.

Ugu  Dambeyn  Shacabka Muqdisho weli waxaa u Taagan far , waxay Dowlada Federaalka ay ka Codsanayaan in dib loo Furo Wadooyinka Xiran ee Jid cadyaasha iyo kuwii la Xiray laga soo Bilaabo Xiligii Ramadaanka marka waxaa ka rajeyneynaa in Dowlada ay u Dheg raariciso Codsageena , sidoo kale waxay Shacabka soo jeediyey in Dowlada la Timaado Siyaasad Hufan oo Amniga lagu sugayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Adem Mohammed oo loo magacaabay taliyaha Ciidamada dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday ciidamo loo diyaarinayo howl-gallo (Daawo Sawirada)

admin

Madaxweyne Sisi oo booqday Jabuuti, lana kulmay dhigiisa Geelle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---