Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sirdoonka Ukraine oo War yaab leh ka soo saaray booqashadii Putin ku tagay Iran

Sida uu sheegay Madaxa Sirdoonka Millateriga Ukraine, Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga yaabaa inuu qof u eg u adeegsadey safarkiisa Iran toddobaadkan.

Tv-ga Espreso ayaa waraystay General Kirill Budanov waxayna su’aal  ka weydiiyeen  sida uu yahay caafimaadka Madaxweyne Putin iyo  Safarkii uu ku tegey dalka Iran hase ahaatee General Kirill ayaa bixiyey jawaab yaab leh.

“Kuma siin doono jawaab toos ah, haddaan dantu igu khasbin laakiin waxaan ku siin doonaa tilmaan, waa in dadku wax fahmaan oo wax u fiirsadaan,Fiiri nin la moodayo Putin oo u eg ayaa ka degay diyaaraddii Tehran Marka ninkaasi  Ma yahay Putin-kii saxda ahaa, Dadka gaarka ah ee arintan aqoonta dheer u leh waxay kuugu jawaabayaan Maya, Putin ma tegin Tehran.

Waxaa uu sheegay in hal astaan oo cadeyneysa in Putinka tegay Iran uusan aheyn kii dhabta ahaa.

“Waxaan sheegayaa hal arrtin oo fashilisey in Putin aanu tegin Tehran, Dib u daawo Muuqaalada markii ay kulmayeen Madaxweynaha Turkiga iyo Putin, wuxuu sugayey Putin Madaxweyne Erdogan wax ka badan 2 daqiiqo, iyadoo kaamirooyinka warbaahintu ay duubayeen Putin oo keligii hor taagan calamada Ruushka iyo Turkiga, Mar dambe ayuu Erdogan soo gelayaa goobta kulanka oo uu soo hor istaagayaa warbaahinta, isagoo markaas kadib salaamaya Putin oo daalan, Taasina maaha xeerka diblomaasiyada marka madaxdu kulmayso, Haddii uu yahay Putin-kii runta ahaa intaas oo dhan ma sugi kareen Madaxweyne Erdogan” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu intaas ku daray in arrintan ay tahay mid la isla ogaa.

“Shirka Tehran inuu tago qof Putin u eg waxay ahayd arrin la isla ogaa, ka bilow Erdogan illaa hogaamiyaha Iiraan, Erdogan isaguna Waa caqligii gobolka, sxbkii Putin inuu u daneeyo oo uu labo daqiiqo  la kulmo qof u eg wax dhib ah kuma hayso ,marka la eego danta  ka dhexaysa” ayuu yiri taliyaha.

Madaxa Sirdoonka Millateriga Ukraine ayaa sheegay in Putin uu yahay qof caqli badan oo aad ugu dheereeya adeegsiga xeeladaha qayaanada ah.

“Putin waa qof caqli badan oo halis kasta ka digtoon,Xitaa gudaha Ruushka mararka qaarkood wuxuu isticmaalaa dad isaga aad ugu eg oo dhinac kasta laga diyaariyey weliba farsamadan Putin hadda ma bilaabin” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey.

Related posts

Nin hubeesan oo toogasho ku dilay xaaskiisi hore iyo dad kale oo daris la’ ahaa

Cabdi Cade

Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo caawa la weeraray

Caydiid Ali

Mooshin Xil ka qaadis ah oo goordhaw laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---