Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iran oo gacanta ku dhigtay Shabakad xiriir la leh Sirdoonka Yuhuuda

Iran ayaa sheegtay inay burburisay shabakad xiriir la leh sirdoonka Israel ee (Mossad), taasoo qorsheynaysay inay ka howlgalaan gudaha Iran.

Warbixinta TV-ga Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Iran ay xireen dhammaan xubnaha kooxda, ayna la wareegeen hub badan, walxaha qarxa, qalab tikniko ah iyo qalab isgaarsiineed oo ay kooxdaasi ku lahayd howlgallada ka socda dalka Iran.

Telefishinku waxa uu sheegay in kooxdu ay qorsheysay falal kharibaad ah iyo howlgal argagixiso oo aan hore loo arag  ka fuliyaan meelo badan oo xasaasi ah– taas oo laga yaabo inay tixraacdo xarumaha ciidamada iyo kuwa ammaanka..

Sida laga soo xigtay talefishinka qaranka Iran, xubnaha kooxdan ayaa Iran ka soo galay deegaan ay ku nool yihiin Kurdiyiinta oo ka tirsan dal ay jaar yihiin, taasoo aan warbixintu si cad u sheegin.

 

Related posts

DEG DEG: Xassan Shiikh oo shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka Jawaabay Felcelin ka dhalatay gef la sheegay in uu kula kacay…

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo qaar kamid ah shaqaalihiisa oo la karantiilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---