Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney toogasho ku dileen xalay fiidnimadii xubin ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inuu weeraro Ciidamadooda oo howlgallo Roondo ah ka waday Xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Booliska ayaa xusay in Ciidamada si kedis ah ula kulmeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar u qorsheynayay Ciidamada howlgalka ku jiray
”Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Booliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Booliska.
Falka toogashada ah ayaa ka dhacay dhacay agagaarka Baar Jowhar oo ku yaalla Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.
Degmada Heliwaa oo ku taalla cirifka woqooyi ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada dhinaca degmada Balcad uga baxda caasimada ayaa waxaa la tuhunsan yahay iney gabaad u tahay xubno ka tirsan Al-shabaab oo xilliyada habeenkii weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda.