Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shariif Xassan, Jawaari & Xubno kale oo ku dhawaaqay Isbaheysi ka dhan ah Laftagareen

Isbaheysi Siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata bixinta Koonfur Galbeed ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waxaa ku mideysan isbaheysigan Madax iyo Xildhibaano hore, Siyaasiyiin, wasiiro iyo dhalinyaro ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed.

Xubnaha horboodaya Golahan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan,  Gudoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamanka Somalia Maxamed shiikh Ibraahim Muudey, Wasiirka haweenka Somalia Xaniifa Xaabsade iyo siyaaiyiin kale oo caan ah.

Golahan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo uu muran ka taagan yahay waqtiga muddo xileedkiisu ku egyahay ka dib markii baarlamanka maamulkaas uu muddo kordhin sanad ah u sameeyey laftagareen.

Siyaasiyiintan isbaheystay ayaa doonaya in muddo kordhintaas laga saaro meesha , isla markaana isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee maamulka K/Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur galbeed C/casiis Laftagareen oo si weyn ay iskugu dhowaayeen dowladii madaxweynihii Madaxweyne Farmaajo ayaa isha ku haya isbaheysigan cusub ee isaga ka dhanka ah inkastoo aan la ogeyn qaabka uu uga hortegi doono.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Isbadal nuucee ah ayuu u baahan yahay Xiligan Maamulka Jubbaland ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Madaxda Maamul goboleedyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi: “Shaqsiyaad talada dalka isku koobay ayaa sababay xaalku halka uu marayo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---