Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Guddoomiyaha cusub ayaa bedelay Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid noqday Xildhibaanada golaha shacabja Somalia,

Related posts

Imaam Masjid oo bad baadiyay Nolosha Boqolaal Masiixiyiin ah oo la doonayay in la dilo

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Agaasime Koofi oo booqday Safaarada Somalia ku leedahay Imaaraatka

Cabdi Cade

IMF oo Shaacisay in Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Shuruudo badan oo lagu xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---