Allbanaadir.com
NEWS

Xasaan Sheekh oo soo Bandhigay fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tansaaniya waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Ilaalada Cumar Finish oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Khayre “Ma ahan inaan ka fakarno 40-ka maalmood ee haray,waa  inaan ka fakarnaa 40-ka sano ee soo socda !

admin

Waxyaabaha Qarxa oo la doonayay in lagu weeraro Dibad baxayaal oo lagu qabtay Kampala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---