Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday deegaano katirsan gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxa ayna Al Shabaab beegsadeen xarumo ay lahaayeen ciidamada Liyuu booliis.
Weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaano katirsan gobolka Bakool iyo gobolka Afdheer ee dowlad deeegaanka ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan oo dhimasho, waxaana goobaha qaar wali yaalla meydadka dad la dilay.
Sargaal sare oo katirsan dowladda Itoobiya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters in duulaanka Al Shabaab uu ka dhashay khasaaro badan, waxa uuna sheegay in ciidankooda iska difaaceen dibna u jabiyeen kooxdii soo weerartay.
Waxa uu sheegay sargaalkan in weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen ciidankooda looga dilay 17-askari oo katirsanaa ciidanka Liyuu booliis, waxa uuna dhankooda sheegay in Al Shabaab ka dileen 63-dagaalyahan kuwa noolna ka qabteen.
Al Shabaab ayaa dhankooda horey guulo uga sheegtay weerarka ay ku qaadeen gudaha Itoobiya, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in ay dileen 87-askari oo katirsan Liyuu Booliis kuwa noolna sidoo kale kusoo qabteen .
Guulaha dagaalka ka sheegteen labada dhinac ka sokow ayaa wararku sheegayaan in dagaalka socday muddo saddex maalin ah khasaaro aad u badan labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah kasoo gaareen, walow aan khasaaraha rasmiga ah laheyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com