Allbanaadir.com
NEWS

Hal Arrin oo Sabab looga dhigay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magacaaban muddo bil ka badan ayaan wali soo magacaabin golihiisa wasiirada, waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada.

Sida aan wararka ku helnay inta badan xubnaha kamid noqonaya xukuumada cusub ee Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa diyaarsan, waxaana kaliya dhiman in lagu dhawaaqo oo si rsami ah loo shaaciyo.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa la filayay in bil gudaheed kusoo dhiso xukuumada cusub, hasa ahaatee waxaa dib u dhac ku yimid magacaabista golaha wasiirada oon wali la ogeyn xilliga lagu dhawaaqayo.

Dib u dhaca ku yimid magacaabista golaha wasiirada ayaa sabab looga dhigay safarada badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku aadayay dalka dibadiisa, waxaana la filayaa marka Madaxweynaha safarada soo dhameesto  lagu dhawaaqo golaha wasiirada.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in ay kamid noqdaan xubno badan oo katirsan kooxda Damul Jadiid iyo kooxda la jaalka ah ee Wadajir, waxaa sidoo kale xukuumada kasoo muuqan doona xubno badan oo Xasan Sheekh wax kasoo dhisay.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qaar badan oo kamid ah kasoo muuqan doona xukuumada cusub si aysan caqabad ugu noqon meel marinta Baarlamaanka ee xukuumada cusub uu soo dhisayo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Bulshada Bari la wadaagay uguna faanay waxqabadkiisa (Sawiro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Muddo kadib maanta ku dhax lugeeyay xarunta Madaxtooyada (Sawirro)

Cabdi Cade

Gabar aargudasho Layaab leh ku sameesay Saaxiibkeyd oo Qiyaanay !!

Cabdi Cade